Jaaliyadda Somaliland waxay u diyaarisaa dhallinyarada barnaamijyo joogta ah sannadka oo dhan- barnaamijaydaas waxaa ka mid ah: Goobo af barasho iyo dhaqan ,
taageerada waxbarshada, Hiwaayadda caruurta iyo dhallinyarada( xilliga xagaaga iyo Jiilaalka),dabaal iyo barnaamijka dhaqan gudbinta oo waayeelka jaaliyaddu kullanda ugu gudbiyaan dhallinta arrimaha dhaqanka. Waxaa raac booqashooyin iyo dibed baxyo.