Fasaxgeynta reeraha waxa loola jeeda in la siiyo fursad ay ku nastaan dhulka magaalooyinka ka baxsan ama miyig dhulkan ku bartaan. Finland dadka reer somaliland waxaa ka maqan fursad ay ku qaataan fasaxooda dhulka miyaga ah maadaama ay deggan yihiin magaalooyin waaweyn. Waxaa la siinayaa waalidiinta wakhti ay ku nastaan kulana wada hadlaan ama ku sheekaystaan, iyadoo caruurta iyo dhallinyaradana loo diyaarinayo dhaqdhaqaaqyo iyo ciyaaro u gaara.Barnaamijyada dibedbaxa reeraha, waxaa loo diyaaiyaa da’ walba barnaamij u gaara. Dibedbaxa reeraha waxaa la diyaariyaa sannad walba xilliga fasaxyada bisha lixaad iyo todobaad.