
Jaaliyadda somalilande e Finland waxaa la aasaasay 1992. Waxay xarunteedu tahay Magaalada Helsinki ,Waxayna ka hawlgashaa wadanka Finland oo dhan. Sida uu dhigayo xeerka ururka waxaa gudiga jaaliyadda la dooranayaa sannadkiiba mar. Xubinimada ururka waxa loo ogol yahay dadka Somaliland, finnish iyo dadka kaleba. Waa in dadka kale ee aan reer somaliland, ahayni ka badan (1/3) tirada guud ee xubnha ururka.
Ujeedada Jaaliyadda waa daryeelka iyo wax ka qabashada baahiyaha bulsho iyo dhaqan ee dada ka soo jeeda Somalilande e Finland ku dhaqan. huolehtia. Ururku Waxaa hawlgalkiisu wa dhawritaan dhaqanka iyo caadooyinka reer somaliland ee dhulkan.Waxaa kaloo uu xidhiidh la yeelanayaa dalkii (somaliland)Yhdistyksen .Ururku waxa uu taageero ka geysanayaa shaqa helista,waxbarshada iyo shaaqaalaynta, waxaa kaloo gacan ka geysanayaa la qabsiga mujtamaca deggan dalkan Finland.Hawl qabadkiisa ururku waxaa uu uga jeedaa inuu ku horemariyo isdhexgalka dadyawga iyo xaqdhawrka dhaqanada kala duwan ee dalkan iyo bulshadiisa.
Si uu ururku ku gaadho yoolkiisaa ; waxaa diyaariyaa hawlo waxqabad oo dhaqanka iyo arrimaha bulshadaba ah; socdaalo magaalooyinka laga baxo xagaaga, siminaaro qaybaha bulshada ee kala duwan, waxbarid, mashaariic iyo munaasabado kala duwan oo badan. Waxaa ururku xidhiidh la sameeyaa haydaha dawliga ah ee Finland , waxaa uu diyaariyaa kullanno iyo doodo la xidhiidha arrimaha ajinebiga ee taagan.
Kal hore Jaaliyaddu waxay fulisay hawlo doora ah oo waxqabad kuna kala aadan qaybaha shaqooyinkeeda ee ay fuliso:
Xafladdo, kullano iyo Bandhigyo:
Jaaliyaddu Waxay diyaarisay bandhig buugeed,Kullan aqooneed, xafladdo dhawr ah iyo munaasabado bandhig dhaqan tus Cunto,ciyaaro iyo miyuusig iwm.
-
Siminaaro,laga qabtay arrimo khuseeya dalka finland iyo somalilandba, sida dhaqanada kala duwan si dhexgalka, Xuquuqda Aaadanaha iyo su’aalo la xidhiidha dadka soo guuray.
-
Kullano shaqo
-
Bandhigyo
-
Buugaag
-
Dabaaldegga Madaxbanaanida Somaliland.
|